Saturday 6 August 2016

Garsoorka Dugaagga

Sheeko Sheekar Sheegay:
Dugaagga:
Adeentida loo yaqaano, dugaagga waxaa loogu hor uumay Waraabbaha: Inta kaleeto ayaa ku xigtay: Sida: Dawacada , Shabeelka, Hareemocadka, Yeeyda, Dhidirka, Butida, Iyo Adeentida Kaleeto Ee Duurjoogta Ah:
Libaax Baa U Danbeeyay Adeentida Dugaagga La Uumay, Oo Ahaaday Bogqorka Dugaagga: Markaas Horeeto Waxaa Bogqor U Ahaa Waraabbaha:
Intii Ay Libaax Hortiis Iyo Kadibkiis Ba Dawacoh Ayaa Lagu Ogaa, Inay Tahay Garaadka Dugaagga Marka Ay Wax Qaybsanayaan, Iyo Marka Garsoor Loo Baahan Yahay.
Waxaa Dhacday, In Laba Bisadood, Oo Hindhiso Libaax Lagu Sheego, Ay Isku Qabsadeen:
Xalwad:
Daayeer Baa Ay Moodeen Inuu Garsoore Yahay:
Daayeer Gar Horeeto Ayaa Uu Ku Hatay, In Garsoorku Yahay Miisaan:
Miisaan Buu Soo Qaatay:
Xalwadii Buu Kala Jaray, Oo Si Aan Isleekayn U Kala Jaray, Isagoo, Raba, Inuu Ku Laylsado Garsooris:
Waxa Dhacay Inay Miisaanka Isku Leekaan Wayday: Hadba Dhanka Miisaanku U Ciiro Ayuu Qurub Ka Cunaa, Taniyo Intii Ay Xalwadii Saas Ku Dhamaanaysay: Iyagoo Labadii Bisadood Indhahooda Oo Afara Ku Eegayaan, Ama Daawanayaan:
Waxay Bisadihii Dhaheen Iyagoo, Heshiisa, Anagaa Daayeer Garsooreh Moodnay, Awelba Dawacaa Garsoori Jirtay Iyadoo Sooman'e!

No comments: