Thursday 13 October 2022

Tixsiyoow Tixsiyoow!

 


Tixsiyoow Tixsiyoow!

Talaabo Shinni Qaad!

Talaabo Caarro Qaad!

Cayayaan Miyaa Tahay?

Kolay! Waad Tahay Haa!

Qqur'aan! Ma Ku Taal?

Kolay Waad Ku Taal Haa!

Thursday 18 August 2022

Sirta Janada Iyo Habar Xaayeer

 Sirtii Janada Iyo Habar-Xaayeer:

Beri Baa Waxa Jiray Habar Iyo Oday Isqabay Oo Ku Dhaqnaan Jiray Miyiga, Habartaas Iyada Ah, Waxaa Uu Odaygeedu Ku Kari Waayay, Waan Shaqa Tagayaaye, Hawlahaaga Ka Shaqayso, Oo Hawlaha Aqalkaaga Iyo Adhigaaga Qabso. Mar Walba Oo Ninkeedu Hawl U Diraba, Waxaa Ay Dhihi Jirtay " Shaqadan Maxaa Noo Soo Arkay, Janadaanu Iska Jiri Lahayn'e, Haddaanay Xaawah-Xaayeer Iyo Abkow-Aadam, Janada Naga Soo Saarin'e!" - " Naa! Waxaas Iska Daayoo Shaqayso! Janadaasu Sir ! Eebbeh Weyneh Leeyahay Bay Ahayd'e"- Way Ku Qanci Wayday Hadalkiina Way Badisay! Shaqadiina Lagu Kari Waa'!
"Dee! Sirta Ii Sheeg Bay Dhahdaa ! Aan Shaqooyinkayga Qabsadee!"

Berigii Danbe ! Markuu Shaqadii Ku Kari Waayay , Ayaa Sheekh Meel Loogu Tilmaamay Oo Xakiim Ahaa!" - Sheekhii Baa Ku Dhahay Sidatan:
" Shibir(Male Bird) Soo Qabo!"
" Haan na Ii Keen!"
Intii Buu Keenay!
Sheekh: " Haantaa Shibirka Ku Xidh, Oo Aqalkaaga Dhig! Cunta na Shibirka Ugu Rid"- " Iyada na Ku Dheh - Haantaas Amaanaa Ku Jirtee Ha Isku Furin!"
Sidii Buu Yeelay:
Markuu Aqalka Yimaadaba Waxay Ku Dhahdaa "Haanta Maxaa Ku Jira Ii Sheeg!"
- " Maantana Ma Haantaasaa Lagaa Kari Waayay!..Naa! Iska Shaqayso"
Todoba Dharaarood Intaanay Ka Soo Wareegin, Ayaa Ay Haantii Daboolka Ka Qaaday! Shibirkiina Waa Duulay!
Dharaartii Todobaad Markuu Tuulladii Ka Yimid Ayay Hadashay " Maanta Haantii Baan Furoo! Shibir Baa Ka Soo Dhex Baxay!"
" Naa! Miyaanan Ku Dhihin Waa Amaanee Iska Daa'!"
-"Dee! Haa'ye! Maxaad Iigu Sheegi Wayday In Shibir Ku Jiro Haanta!"
" Maanta Ayaan Kuu Sheegi Karaa! Sirtii Janada Xaawah-Xaayeer ! Iyo Abkowgeenii Aadam! Ee Janada Ka Soo Saartay Wax Laga Kari Waayay Wax Sirtaas Oo Kaleeto Ah! Bay Ahayd!
Habartii: " Inmika Ayaan Gartay !"