Ir baadiyaha ku dhaqnaa beri, amse qoys baadiyaha ku dhaqnaa oo kala ahaa nin iyo xaastiis baa waxa ay ku curteen wiil: Duqda waxaa la dhihi jiray magaceeda FAAYOOR ....Duqana waxaa la dhihi jiray AADAM: Deed jacayl ay u qabaan wiilka u dhalshay daraadiis ayaa muran badan dhex yimid...Odaygii wuxuu dhahay " Wiilka AADAN! baan u bixinayaa !"...Habartiiy diiday oo ganafkay ku dhufatay , Waxay dhahday " Wiilkayga anaa ku curtay'e ma adaa dhalay , anaa sagaal bilood uurka ku sidee!" Odaygiiy: " Naa! Wax ma kuu sheegaa , Yaa Kaa Dhalay?": Habartiiy: " Dee! Taas Diidimaayee! Dadadka aynu isula tagno!": Tuulladii bay tageen: Waxa loo sheegay Sheexkh XAKIIM ah , oo dalka socod ku yimid: Xal buu u sameeyay: SHEEXKHIIY: " Horta Neef wan ah ! keena!"
IYAGIIY: " Laba neef oo wanan ah, baan keenaynaa , mid daayoo!"
SHEEXKHIIY: Wankiiy buu qalay! Deed wuu eeg-eegay , hilibkiina wuu cunay, iyagiina laba qurub buu ka siiyay:
Kadib , go'aan buu ka soo saaray:
Aadamow! Adigu A sidaas u qor! ....Adiguna Faayooreey! F sidaas u qor, hileen waa dhexdhexaadin'e! Waxa ku dhawaaqay in wiilka magaciisu yahay A*F!!!:
Siday ila tahay waa qqafkiiy ugu horeeyay adduunka ee magaciisa loo bixiyo AF!
Waa yaabe! Markuu weynaaday, ayaa dadka tuullodu waraysan jireen:
AF muxuu yidhi maanta?
Berigiiy danbe ee gaboobay , ee ilka beelay, oo waa na uu faruurnaa oo shaarbaha ayuu ku qarsan jiray faruurta ! Gadhna wuu lahaan jiray oo way xilqarin jirtay naagtiisu, ayaa maalin maalmaha ka mida, oo haweeney uu qabay , goor galab ah, uu ku dhahay, " Adhiga xaree tuulladiiy baan tagayaaye!"...Show! Wuxuu halmaamay, go' shaal ah oo uu ku xaragoon jiray: Wuxuu arkay haweenaydiiy oo iska seexatay, " Naayaa! Miyaanan Taadaa AF-ku xun leh ku dhihin ADHIGA xaree!" ...Intay afka isqabatay yey dhahday " AFNA DAAYOO!"
No comments:
Post a Comment