Monday, 16 June 2025

SHEEKO SHEEKAR SHEEGAY:

 



SHEEKO SHEEKAR SHEEGAY: SHEEGAY SHEEGAY SHEEGAY SHINMAAD MAQALSHEEN?:
Ir baadiyaha ku dhaqnaa beri, amse qoys baadiyaha ku dhaqnaa oo kala ahaa nin iyo xaastiis baa waxa ay ku curteen wiil:, Iyagoon afartan shimil amse afartan sanno wax isu dhalin. Duqda waxaa la dhihi jiray magaceeda FAAYOOR ....Duqana waxaa la dhihi jiray AADAM: Deed jacayl ay u qabaan wiilka u dhalshay daraadiis ayaa muran badan dhex yimid...Odaygii wuxuu dhahay " Wiilka AADAN! baan u bixinayaa !"...Habartiiy diiday oo ganafkay ku dhufatay , Waxay dhahday " Wiilkayga anaa ku curtay'e ma adaa dhalay , anaa sagaal bilood uurka ku sidee!" Odaygiiy: " Naa! Wax ma kuu sheegaa , Yaa Kaa Dhalay?": Habartiiy: " Dee! Taas Diidimaayee! Dadadka aynu isula tagno!": Tuulladii bay tageen: Waxa loo sheegay Sheexkh XAKIIM ah , oo dalka socod ku yimid: Xal buu u sameeyay: 
SHEEXKHIIY: " Horta Neef wan ah ! keena!"
IYAGIIY: " Laba neef oo wanan ah, baan keenaynaa , mid daayoo!"
SHEEXKHIIY: Wankiiy buu qalay!..Deed kariya buu dhahay. Deed wuu eeg-eegay , hilibkiina wuu cunay, iyagiina laba qurub buu ka siiyay:
Kadib , go'aan buu ka soo saaray:
SHEEXKHIIY: Adiga aabbaha inankow , magacaa?
Odaygiiy: Aadam:
SHEEXKHIIY: Adiga maamada inankeey, magacaa adna?
Habartiiy: Faayoor!
Aadamow! Adigu A sidaas u qor! ....Adiguna Faayooreey! F sidaas u qor, hileen waa dhexdhexaadin'e! Waxa ku dhawaaqay in wiilka magaciisu yahay A*F!!!:
Yaab! Sheexkha XAKIIMKA ahaa, wuxuu ka warla'aa in Bini-Aadamka xubinta hadalsha ee Soomaalida la dhaho AF! Dadadkiiy Tuulladuna wanqalshiiy labada ahayd bay maqleen ...Durba magaciisii ahaaday AF wuu maqaalofiday.
Tallo kaleeto ayay reer Aadam Iyo Faayoor , dharaar danbe ula yimaadeen, sheexkhiiy waxay dheheen, inankan Eebbeh nagu arzuqqay waa uu faruuran yahay, kolkaa ...Magacyadii aanu anagu kala bixinay ma kuu sheegnaa ?
SHEEXKHIIY: Haa!
Odaygiiy: Anigoo AADAM ah, anigu waxaan dhahay AADAN, warse habartan dhalshay wiilku waxay u qaadatay inaan ka xigsanaayo, oo Aadan Ina-Aadam baa la dhihi lahaa, inanka:
Habartiiy: Aniga waxa la i dhahaa FAAYOORTA isagana waxa la dhihi lahaa FAAYOORKA oo waa suurre ayay iyaduna dhahday.
SHEEXKHIIY: Bal neef wanna oo seddexaad keena si aynu isula guddoonsano oo aydin idinkuna ugu qanacdaan:
Wankiiy seddexaad, oo ahaaday wanqalshiiy seddexaad, todobaad kadibkiis ayaa, tuulladii lagu qalay: Maxaa ka soo baxay wanqalshiiy:
SHEEXKHIIY: AADFAA! ayaa la dhahayaa wiilkiina magaciisa. 
Aadfaa! aftahan buu ahaa intii uu noolaa,warac ah[Smart =Warac], wargaleen ah, oo warka dadka deeqsiiya. Oo af wax laga dhahaba Eebbeh ayaa ku manaystay, gabay, iyo geeraarba.
Siday ila tahay waa qqafkiiy ugu horeeyay adduunka ee magaciisa loo wanqalo AF!
Waa yaabe! Markuu weynaaday, ayaa dadka tuullodu way waraysan jireen:
AF muxuu dhahay maanta?
Berigiiy danbe ee gaboobay , ee ilka beelay, oo waa na uu faruurnaa oo shaarbaha ayuu ku qarsan jiray faruurta ! Gadhna wuu lahaan jiray oo way xilqarin jirtay naagtiisu, ayaa maalin maalmaha ka mida, oo haweeney uu qabay , goor galab ah, uu ku dhahay, " Adhiga xaree tuulladiiy baan tagayaaye!"...Show! Wuxuu halmaamay, go' shaal ah oo uu ku xaragoon jiray: Wuxuu arkay haweenaydiiy oo iska seexatay, " Naayaa! Miyaanan Taadaa AF-ku xun leh ku dhihin ADHIGA xaree!" ...Intay afka isqabatay yey dhahday " AFNA DAAYOO!"...Aadfaa'yow!!!