Sunday, 15 February 2026

NABIY SULAYMAAN YO NIBIRIY:

 Nabiyunaa Sulaymaan Waxa Uu Ahaa, Nabigiiy Eebbeh Jalla Jalaaluh! Uu Hantiy-ahaan ugu dhiibay , MULKIGA Dhulka. Waxa Uu U Sakhiray Adeentida Oo Dhan, Malaa'ikah Iyo Jin, Iyo Aadmigiiy Kolkaa Amse Shinkaa La Dhaqnaa  Ee Dunida Kula Dhaqnaa.


Sida Xusan,waxa uu rabaystay Hud-hud, kaas oo soo xuuraami jiray, kolba meelsha uu rabo, in warkeed la keeno, ama se ogorkeed la ogaado. Waxa hud-hudkiiy oo soo ogaaday, meel dhulka ka mida dad ku dhaqan oo bogqorad u talinayso, iyaguna aan Eebbeh Jalla Jalaaluh'e! Aan u adeeg-gudanaynin, balse u sujuuda qoraxda amse cadceedda oo caabuda.