Thursday 28 July 2016

TIXDA CAQQLIGA / AQLIGA

Waxa Ku Luuqaysa HIBOH MUXAMED - HIBOH NUURAH
Waxa Midhaheeda Taawiyay AL-SHAHIID/AL-ADIIB /ABWAAN XASSAN SHEEXKH MU'MIN:


Goroyadu Ilmaheeda      
Aroori Bay Dhigtaayoo  
Aboodigu Ku Laayaa!    
Shinbirtu-na Aroosay    
Ilaxidhoo Amaana          
Bay Ubadkeeda Seexisaa!
Kala Awle Labaduyo      
Edebtiyo Aq-oontiyo      
Usluub Bay                      
Isku Dhaafeen
Aqligii Wanaagsani
Itaal Inuu Ka Roon Yahay
Bal Eegoo! U Fiirsada!


Tuesday 26 July 2016

BALDHEH ALXAMDU LILLAAH! Say Though ALHAMDU LILLAAH!





BAL DHEH ALXAMDU LILLAAH!- Say Though ALHAMDU LILLAAH!

Waxa Jiray Beri Hore ---- A Long Time Ago
Boqor Aad U Aq-oon Yar --There Was A King With Little Wisdom
Gacanyare Baxsan Lahaa---Who Had A Good Adviser
Aad U Burqada Wacdiga ---Who Gave Him Well The Ethos
Beri Bay Is-Raaceen --- Once They Went Together
Ugaadhsi U Baqooleen ---They Went For Hunting
Banjoog Tuban Halacsadeen ---They Saw A Flock For Hunt
Judhiiba Boqorkii Baa --- Instantly The King Got Prepared
La Soo Baxay Fallaadhii---  He Took Out His Arrow
Qaansadii Ku Beegoo --- Adjusted To The Bow
Burtuurtay Gamuunkii --- And Released The Arrow
Birtii Fallaadhaa -- The Metal Part Of The Arrow
Gacan Ka Sartay Boqorkii--- Cut The King's Finger
Boqorkii Baa Yidhi --The King Said Oh!
Bilow Bal Eeg Nabarka--- Oh!Bile! See The Wound
Bilaa Ku Yidhi Boqorkii --- Bile Said To The King
Bal Dheh Alxamdu Lillaah --Say Though Alhamdu Lillaah!
Boqorkii Baa Xanaaqay --The King Got Upset
Boogtaa Dhiiggu I Da'ay ---A Wound Which Is Bleeding
Ayuu Bal Leeyahay--- And He Is Saying To Me
Bal Dheh Alxamud Lillaah --Say Though Alhamdu Lillaah!
Bandarkii Bay Ku laabteen-- They Went Back To Town
Boqorkii Baa Amray ---The King Ordered That
Horta In Bile La Xidho--- Bile Should Be Arrested
Bile Yidhi Alxamdu Lillaah --Bile Said Alhamdu Lillaah!
Boqorkii La Yaab Bile --The King Felt Strange About Bile
Ninkan Bal Aan Xidhee ---This Man Which I Arrested Him
Beegsaday Alxamdu Lillaah -- But Kept Saying Alhamdu Lillaah!
Nabarkii Baa La Dhayay - The Wound Was Treated
Isagoon Weli Bogsan -- Before It Got Healed
Ayuu Boqorkii Keligii ---The King Went Alone
U Boqoolay Ugaadhsi --For Hunting
Baradii Buu Ka Ambaday - -He Went Lost
Beel Cawaanuu U Galay -- He Got Himself Among Pagan People
U Booyaya Qof La Loogo -- Wanting A Human Sacrifice
Boqorkii Waa La Xidhxidhay -- The King Was Tied Up
Way Farax Bootamayaan -- They Started Chanting
Dab Baa U Belbelaya --- There Is A Fire Blazing
Bulbulihii Beeshaas - The Chief Of That People
Ayaa Buul Halkana --- Who Was In Nearby Hut
Dibada Uga Soo Baxay -- Come Out Of The Hut
Wuxuu Sitaa Bilaawe -- Holding A Big Knife
Si Uu U Loogo Basharkan - To Sacrifice This Man[The King]
Boqorkii  Hoos U Yidhi - The King Secretly Said
I Badbaadi Eebbow! - O' God Save Me!
Tin Iyo Cidhib Boqorkii - From Top To Toe Of The King
Wuxuu Ka Baadhay Iin-- He Searched For A Defect
Boogtii Gacantuu Arkay - He Saw The Wound In The Hand
Dib Buu Uga Booday - He Unhappilly Pulled Back Of Him
Wuxuu Yidhi Basharkani - He Said This Man
Iin Buu Leeyahay - Is Not Perfect He Has Got A Wound
Uma Qalmo Beeshaanu - He Is Not Fit For Our People's
Loogtii Ay U Booyaysay - Wanted Sacrifice
Boqorkii La Sii Daa' - The King Was Untied And Released
Bandarkiisii Ku Laabay - He Went Back To His Town
Biluu Soo Daayay - He As Well Released Bile
Bilow Waan Anbay Maanta - O'Bile! Today I Got Lost
Beel Cawaanaan U Galay - I Got Myself Among Pagan People
Boqmahay Iga Xidhxidheen - They  Tied Me With Rope
Si Ay  Ii Ba Loogaan -- To Sacrifice Me
Markay Boogta Arkeen-- When They Saw The Wound
Baa Ay I Soo Daayeen - They Untied Me And Released
Inaynu Wada Boqoolnaa - I wished We Went Together
Ayaa Bilow Malaa Wacnayd-Wouldn't That Have Been Better Bile!
Bile Yidhi Alxamdu Lillaah - Bile Said Alhamdu Lillaah
Haddaan Bal Kula Socdo -- If I Was With You
Anigaa Bilaa Nabaree -- See I Had No Wound
Sow Layma Bireeyeen -- So I Would Have Been The sacrificed
Markanuu Boqorkii Gartay -- Now The King Acknowledged
Boogtuu Qoonsanayay -- He Was Resenting The Wound
Inuu Isagu Ku Burasiday- But He Was The Beneficiary
Iyo Wacdigii Bile Yidhi -- With The Ethos Bile Said
Bal Dheh Alxamdu Lillaah! -- Say Though Alhamdu Lillaah!

Wednesday 13 July 2016

WARAABBOW WARAABBEH




Image result for sawir waraabe

WARAABBOW WARAABBEH
WARAABBEH KALE AHAADAY
WARKAYGA HURI WAAYAY
ANBA KAAGA HURI WAAYE
INAKALA WARWAREEJI!

Saturday 9 July 2016

DUUSHOOY DUUSHOH



Duushooy Duusho
Naylshay Duushay
Dalal Kale Aaday
Dad Kale Dhaqde
Dullubkeed Garte
Duunkeeda Mooyi!
?
?
?

Thursday 7 July 2016

SIDA DAYAXII!!!!





Soo Muuqayoo Sida Dayaxii
Waa Nagaa Miliilacanee!

Ku Soo Maanshee Sagootigii
Meel Nabaduu Soo Maree!

Mahad Baa Nala Wada Gudboon
Maanta Oo Kale Waa Runee!

Mar Walboo Wacdiye U Baaqo
Hor Eebbeh Tahay Waa Milgee!

Midanihii Eebbeh Soo Dirayow
Adigaa Noogu Malko Roon!

Warkaaguna Waa Mid Na Deeqay
Muraadkaaguna Waa Maqqbuul!

Timidoo Muunaad U Yeeshay
Magaallodii Madiina Ahayd!

Mininkuna Mininkaagii Weeye
Soo Dhowow Kii U Midnaayow!



SAKAAROOY SAKAARO




Sakaarooy Sakaaro
Sinna Dhuudhuuban
Saallo Aas-aasto
Salkeeda Ka Eeg-eegto
Sarar Balbalaadhatoh!
?
?
?

MINKULAAL MINKULAAL



Minkulaal Minkulaal
Minkulaal Mininkeed
Mininkeed Madhaafto
Miciyaheeday Miciyo
Miciyo Libaax Mooday!

JEEGAAN JEEGAAN




Jeegaan Jeegaan
Midabo Jiljilan
Cirka Ku Jiidan
Midba Cayn U Jilan
Mid Baa Jilan Guduud
Mid Baa Jilan Cilaan
Mid Baa Jilan Hurdiy
Mid Baa Jilan Cagaar
Mid Baa Jilan Cir
Mid Baa Jilan Hugur
Mid Baa Jilan Hibaaq!

CAAROOY CAARO




Caarooy Caaro
Caga Malmaluuqsan
Cidhifyada Guryaha
Caw Ku Melmelato
Xuub Candhuufayso
Cayayaan Ku Dabato
Carwo Boqoradeey!

Wednesday 6 July 2016

QURUXDII NABIGA:





Waa Inaynu Qunqaadaa!We Must Love Him!
Waa Inaynu Qunqaadaa!We Must Love Him!
Waa Inaynu Qunqaadaa!We Must Love Him!

Isagoon Qaadin Diraab Before He Took The Heavenly Message
Weli Qaanan Moog Ah Being Unaware About Religions
Qundhalad Baarri Ah Innately Being Fine And Honest
Been Aan Quruurixin Never Told Lies
Uunisan Iyo Qunnaan Pleasant Nature And Goodness
Horaba..Horaba..Loo Qir!Before..And Before They Did Bear That Witness!
Runlawnimada Loo Qir!Truthful He Was..They Did Bear That Witness!

Haddiiy Qirish Loo Dhiibto If He Was Told To Hold A Coin For...
Qajeel Iyo Qajeel Xilli And A Time Passed And Time...
Qatanaan Ku Soo Marto If While A Hunger He Might Starved
Qush Aan Ka Cuni Jirin He Never Spent A Penny He Held For Others
Horaba..Horaba..Loo Qir!Before..And Before They Did Bear That Witness!
Hayeebnimada Loo Qir!Trustworthy He Was! They Did Bear That Witness!

Qawlaysigu Waa Ba'naan Gangster Being Is Cruelty
Da'aha Qalqaalinimo In The Years Of Adolescence
Imisaa Qawsaar Lumay How Many Strong Men Went Astray
Sama-Qaayibkiisii But He Favoured Better Way Of Life
Maqaraafanimadiisii He Never Did Fornication
Qayayaab Ilama Ahayn! I Am Not Astonished About That At All!
Horaba..Horaba..Loo Qir!Before..And Before They Did Bear That Witness!
Shanriifnimada Loo Qir!Sheriff He Was! They Did Bear That Witness!

Xalaal Quute Shanqaysta A Working Man He Was In His Life Who Ate Licit Foods
Khadiijiy [DHAAHEER] Qalbiga Gashatay KHADIJAH Cherished Him In Her Heart
U Qushuucday Samihiis She Liked His Pleasant Qualities
Qabniinkiisa Jeclaysatay She Became Loving Him To Be Her Husband
Codsiga U Soo Qadimatay She Presented Request Through Her Cousin
Inkastoo Qiyaasta Da'da Though! In Regard Of The Age Difference
Shimillo Quman Ka Weynayday She Was Older Than Him Many Years
Dad Ma Qateeyeh Faxala But Un-Disappointing And A Generous Person He Was
Qqurayshina Ahaa Midan Noble! Qqureishy Man He Was
Adebtuu Ku Qaatee He Accepted Politely
Qumanow Ahdeerkii His Respected And Brave Uncle
Xamzeh U Soo Qareentay Hamza! He Chose His Uncle To Represent Him
Qadhadhaytideedii In Front Of KHADIJAH Family Folks-men
Ku Qaabileen Golihii They Met Each Other In The Place
Qaameelka Sareeyeen They Uplifted Their Manner
Sidaas U Soo Qundoonay By That Protocol He Sought Her
Sisan Kula Qolaqal Galay In That Good Way He Married Her
Waa Mid Aan Qunqaadoo That I Can Adore Him Well
Horaba..Horaba..Loo Qir!Before..And Before They Did Bear That Witness!
Sayidnimada Loo Qir! That He Was Sublime! They Did Bear That Witness!

Dugur Qalbiga U Diid He Never Allowed Ignorance To Settle In His Heart
Qaaral Hira Ayuu Galay He Passed Time In Staying In QARALHIRA Cave!
Qoobad Buu Ku Saahiday In That Little Cave! He Tried To Do Worshipping
JABRIIL-na Ku Soo Qardeg Arch-Angel JABREEL Came Down To Him
Wuu Qara Majuujiyay He Held Him Hardly
Qqawl Aada Ku Dhahay HIGO! First Word Was Said To Him! READ!
Farmahigtaa Maqoreh I Don't Read Or Write He Replied
Yaan Ahee I Qundaa So Please! Off...Me...!
"Ku Higo Magaca ABABHAYAHAAGA! "READ! In The Name Of Your Lord!"
Ah Kii Wax Abuuray.." " Who Made The Creations!"

Wuxuu Qunbilaabay He Began To Preach 
Inuu Qqur'aanka Fidiyo The Verses Of The Qqur'an
Qqurashiy Se Way Diiday But The Qqureish Rejected And Denied
Qqafafkii Tirsanaa But The Few Countable Number
Ee Qunraacsanaaday That Believed In Him
Ayaabay Qudha U Galeen They Enslaved Them And Tortured Them
Ka Dib Qayayaabkii Then In That Harsh Circumstances 
Qqawmkii Caassiyay When His Nation Expelled Him
Waa Kii Ka Qaxee Ka Tagay He Migrated And Left Them
Reer Madiina Qqaabileen People Of Madina Welcomed Him
Shimillo Quman Danbadood Few Years Later
Waa Kii Qaalibka Noqdee He Became Mightier 
Qurayshtoo Ka Baqaysa All Qqureishes Fearing Of Him
Qunyar Wada Daayibee With Loftiness And Simplicity He Forgave Them
Waa Iga Nabad Qqaf Walba Every One Of You Shall Get Peace From Me
Sidaas Qqawl Ku Siiyay He Gave Them That Word Of Honour

Qosol Qahqaha Ma Lahayn He Never Had Qahqah Laughter
Qosol Muunsood Mooyee Except Smiling Laughter 
Loo Wada Qushuuci Jiray That Pleased Any One Who Sees
Qiimigiisu Waa Nabad His Values Were Peace
Quruxdiisu Waa Adeb His Beauty Shined Politeness
Asowgiisu Waa Qqur'aan His Behaviour Is Qqur'an
Qumal Door Dhan Weeyeh He Is Perfect Role Model
Eebbaa U Qiray Oo Dhahay God Testified For Him And Said
Asow Kii U Qunnaa The Best Behaviour Ever
Qunnaan Tii Ugu Tahnayd The Most Greatest Character
Qundhaqan Baad U Leedahay! You Own The Best Ever Culture!

KAAS WAA MUXAMED SSALLAA ALLAAHU CALAYHIH WA SALAM
...من جمال ألنبي...!
وجب علينا أن نحبه
وجب علينا أن نحبه
وجب علينا أن نحبه

من قبل أن أوتي ألرساله ألسماويه
كان لا يعلم ما عن ألأديان
كان فطريا طيبا و صادقا
 ما كان يتحدث بلأكاذيب
 كان له طبيعتا ذات لطف وخير
من قبل و من قبل كانوأ شهداء علي إنه صادق
إذأ قيل له تحفظ قرشا لغيره
و مر عليه جوع أو عيله
ما كان يصرف مال غيره
من قبل و من قبل كانوأ شهداء علي إنه أمين
أن تكون من ضمن عصابة
قسوه و وحشيه علي ألناس
في سنوات ألمراهقه
كم من رجل قوي غوي
بل بحث للحياة أفضليه
كان لا يفعل ألفواحش و سوأ
وإني لا أسخر علي ذالك
بل أني أعشقه من ذالك
من قبل و من قبل كانوأ شهداء علي إنه شريف
كان رجلا عاملا في حياته
وكان يأكل من ألطييبات حلال
أعزته خديجه في قلبها
كانت تحب صفاته اللطيفة
أحبته ليكون زوجا لها
قدمت طلب من خلال ابن عمها
مع إنها كانت أكبرمنه بفرق سنوات
كان لا يخيب آمال ألبشر
بل وكان قريشيا نبيلا
إسجاب ألطلب بل أدأب
عمه المحترم والشجاع
أختاره ليمثله أمام
رجال من أسرة خديجه
التقوا ببعضهم البعض
ترافعوا شأنهم أمام بعض
بهذا أسلوب سعي لها
 هذه الطريقة الجيدة تزوجها
كان ذالك أسلوب راقي
نعشق منه ذالك و حتي شكره لله
من قبل و من قبل كانوأ شهداء علي إنه سيد
لم يسمح ألجهل 
أن يتسلل ألي قلبه
دخل غار ألهره ! 
وبهذا ألكهف ألصقير!
حاول أن يزهد لله!
ومن هنا نزل عليه ملاك جبريل!
أمسكه بضغط و قال له " أقرأ"
أني لا أقرأ ولا أكتب أجاب!
فضع عني.....................!
، إقرأ! بسم ربك ألذي خلق،

بدأء أن يوعظ بأيات ألقرآن
ولكن معظم ألقريش نفوأ ورفضوأ
بل إستعبدوا و إضطهدوا و عذبوا
ألأعداد ألقليله من ألذين أمنوا من قريش

 في هذه الظروف القاسية
عندما قومه طردوه
هاجرمنهم وتركهم
أهلل مدينه إسترحبوه
بعد سنوات قليلة
أصبح وصار أقوي
وكل قريش كانوأ يخافون
أن ينتقم منهم بل قال
كل واحد منكم سيجد مني ألسلام
أعطاهم تلك كلمة ألشرف
لم تكن لديه ضحكة قهقهة
بل كانت ضحكته إبتسامه
و كانت تسعد كل من رأي
لديه قيم ألسلام كان
كان جماله ألأدب
جماله يضيء بالأدب كان و
 كان خلقه ألقرآن
إنه أفضل قدوه مثاليه
شهد الله له وقال
وإنك لعلي خلق عظيم
أفضل سلوك على الإطلاق
أكبر و أعظم إنسان علي ألإطلاق
أوتي أفضل رساله علي إطلاق
ذالكم  م و ح أ م أ د  صلي ألله عليه و سلم